Shil Baabuur oo ka dhacay dalka Iran ayaa sababay dhimasho badan

0
201

JOWHAR (Radio isnaay) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Khuzestan ee koonfur-galbeed dalka Iran

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen dhowr baabuur sida ay sheegeen maamulka deegaanka

Reza Dolatshahi oo ah taliyaha ciidamada nabad gelyada wadooyinka ee gobolka ayaa u sheegay TV-ga qaranka in shilkan uu dhacay abaaro 7-dii subaxnimo ee xiliga wadankaasi, waxaana shilkan ka dhashay silsilad shan baabuur ah oo ay ku jiraan bas yar oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan shirkad shidaal oo maxali ah, baabuur xamuul ah oo ay saarnaayeen xoolo iyo saddex baabuur oo kuwa Raaxada ah.

Jidka weyn ee isku xira Ahvaz iyo Khorramshahr ayaa ah mid u nugul in ay ka dhacaan shilal halis ah, iyadoo marar badan oo sidan oo kale ah dhacdooyin naxdin leh laga soo sheegayay sanadihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here