100-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Adduunka Sanadka 2021 Oo La Soo Saaray.

0
318

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargayska The Guardian ayaa soo saaray Liiska 100 xiddig ee ugu fiican sanadka 2021.

Muddo 9 sano ah wargayska The Guardian ayaa soo saarayay dhamaadka sanadka 100 xiddig ee ugu fiican sanadka waxana codeeya khabiiro iyo saxafiyiinta adduunka oo dhan.

Xiddiga kooxda Bayern munich ee Robert Lewandowski ayaa sanadkii 2-aad oo xidhiidh ah loo doortay xiddiga ugu fiican ee wargayska The Guardian.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi halka uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ku soo baxay kaalinta 3-aad.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku soo baxay kaalinta 4-aad iyada oo xiddiga kooxda chelsea ee Jorginho ku soo baxay kaalinta 5-aad.

Xiddigaha Kylian Mbappe, Erling Haaland, Ronaldo Kante iyo De Bruyne ayaa buuxiyay ama dhamaystiray 10-ka xiddig ee ugu fiican adduunka sanadka 2021.

  1. Robert Lewandowski (Bayern Munich)
  2. Lionel Messi (PSG)
  3. Mohamed Salah (Liverpool)
  4. Karim Benzema (Real Madrid)
  5. Jorginho (Chelsea)
  6. Kylian Mbappé (PSG)
  7. Erling Haaland (Borussia Dortmund).
  8. Cristiano Ronaldo (Man United)
  9. N’Golo Kante (Chelsea)
  10. Kevin De Bruyne (Man City)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here