Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Dadka Halis Ugu Jira Cunto Yari Ka Jirta Somalia

0
188

JOWHAR (Radio isnaay) Saddex xilli oo qalalan oo xiriir ah ayaa dad lagu qiyaasay 3.8 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ka dhigay halis cunto yari aad u daran illaa Jannaayo, UNICEF ayaa sidaas sheegtay maalintii shalay oo khamiis aheyd.

Waxayna tirooyinkaasi kor u qaadi doonaan 4.6 milyan marka la gaaro bisha May ee sanadka 2022.

“Biyo la’aan daran iyo sare u kaca qiimaha cunnada ayaa Soomaaliya ka dhigay dalka Geeska Afrika ee ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen,” ayaa lagu yiri warbixinta QM. “Hay’adda UNICEF ee Hawlaha Bani’aadamnimada ee Carruurta (HAC) faraqa maalgelinta racfaanka ayaa weli ah 35 boqolkiiba inta loo baahan yahay $124 milyan.”

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay taageero nafsaani ah siiso 64,818 carruur ah iyo daryeelayaal, iyadoo 66% ay yihiin carruur. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo, iyadoo dalku uu wajahayo abaartii ugu darneyd ee soo marta tobanaan sano.

Gobollada ugu daran ee abaarta iyo biyo la’aanta ay saameysay waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug, iyo qeybo ka mid ah Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan. Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa soo food saartay biyo la’aan.

In ka badan 2 milyan oo ku nool 66 degmo ayaa u baahan baahi degdeg ah waxayna u baahan doonaan biyo nafo-badbaadin ah, fayadhowr, iyo adeegyo nadaafadeed lixda bilood ee soo socota, Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here