Ugu yaraan saddex qof  oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) ee koonfurta Kivu.

Wasiirka gaadiidka ee gobolka halka sarkaal kale oo maxalli ah ayaa u sheegay Warbaahinta  in dhimashadu ay kor u dhaafeyso shan.

Diyaaradda yar ee rakaabka ah ayaa ku dhacday tuulada Keisha, oo qiyaastii 15km (9 mayl) u jirta xarunta dhexe ee gobolka ee Shabunda, sida ay saraakiishu sheegeen Khamiistii.

Diyaarada Malu Aviation ayaa ka soo duushay magaalada Goma iyadoo ku sii jeeday Shabunda ee gobolka Koonfurta Kivu sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here