Askariyad Udhalatay Dalka Nigeria oo loo xiray guur laga dalbaday oo ay aqbashay.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afhayeenka ciidamada Nigeria ayaa sheegay askariyad ka tirsan ciidamada dalkaasi ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki ay aqbashay dalab guur oo loo soo jeediyey xilli ay shaqo maalmeedkeeda ku jirtay.

Wuxuuna intaa ku daray iney askariyaddu ku xadgudubtay xeerka ciidamada u yaalla ee dhigaya askariyadda iyada tuutaha ciidanka xiran iney jaceyl jili karin.

Muuqaal toddobaadkan qabsaday baraha bulshada oo lagu arkayey nin jilba joogsaday oo askariyadda hor fadhiya guurna ka dalbanaya, dadki dhacdadaasi goob joogga u ahaana farxad ay u muujinayaan.

Kooxaha u dooda xuquuqda haweenka waxay ciidamadu ku eedeeyeen iney askariyaddaasi takoor kula kaceen.

Askariyaddan la xiray ayaa dalabka guurka waxaa u soo jeediyey arday tababr ku qaadanayey nidaamka tababaridda dhalinyarada ee dowladda, ee loo yaqaannno NYSC.

Qorshaha adeegga qaran ee qasabka ah waxaa qayb ka ah ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha iyo machadyada tacliinta sare waxay casharrada ka qaataan ciidamada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here