Go’aanka Frenkie De Jong Ee Ka Tagista Barcelona Oo La Ogaaday

0
184

JOWHAR (Radio isnaay) Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Frenkie De Jong ayaa ku faraxsan Barcelona, ​​mana jiro wax niyad ah oo uu u hayo in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhawaan lala xiriirinayay inuu ka tagayo Camp Nou, iyadoo Bayern Munich iyo PSG ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya.

Laakiin Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Barcelona ayna ka fikirayn in ay iska fasaxdo xiddiga reer Holland wakhti dhaw.

Xiddiga reer Holland ayaa muhiim ja noqday Barcelona sanadihii ugu dambeeyay tababaraha kooxda ee Xavi ayaa u arka xiddig laf dhabar u ah qorshihiisa mustaqbalka fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here