Liverpool oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Newcastle.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Newcastle oo ay uga talaabsadeen 3/1

Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Newcastle United  2/1 ka dib ciyaar maamulkeeda ay gacanta ku hayeen wiilasha Klopp

Biloowgii Liverpool ayaa looga naxsday gool gantaal ahaa waxaana sidaas daqiiqadii 7-aad sameeyay Shelvey ka dib  kubad gantaal aheyd

Liverpool iyaga ayaa ku badnaa cadaadiska xilli Newcastle ku tiirsanaayeen kubadhaa rogaal celiska ah balse waa u nuglaayeen gool marka la eego cadaadiska saarnaa

Goolhayahooda ayaa is hor taagayay ciqaabta Liverpool balse ugu dambeyn goolka bar bar dhaca ayaa lagu helay daqiiqadii 21-aad waxaana sidaas sameeyay Jota halka gool labaadna uu lahaa Salah kaasi oo shabaqa dhigay daqiiqadii 25-aad

Liverpool waxa ay aad gu wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore Newcastle waliba qaab halis  ah waxa ayna kubad haysashada wiilasha Klopp mararka qaar  gaareysay %78-aad

Newcastle waxaa dilayay go`aan qaadasho qaldan kulamaa kubad gool loo badali karo ay ku heleen kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here