Barcelona Oo Qaaday Talaabo Ay Arsenal Uga Afduubanayso Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

0
209

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Barcelona ayaa haatanba la xidhiidhay kooxda Arsenal si ay uga hesho saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu buuxiyaan booska Sergio Aguero.

Arsenal ayaa shalay kabtanimada ka qaaday Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii uu jabiyay xeer kooxda u yaala kadib markii ay fasax yar siisay xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Independent, Barcelona ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang marka uu furmo suuqa January si ay u helaan saxiixiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay Arsenal miiska u saarto xiddiga Ousmane Dembele si uu uga qayb ahaahdo heshiiska ay ku doonayso Aubameyang suuqa January.

Ousmane Dembele ayaa dhankiisa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona waxana uu kooxda uga tagi karaa qaab xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here