Masiibada Dhaawacyada Barcelona Oo Maraysa Heerkii Ugu Xumaa & Memphis Debay Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada

0
200

JOWHAR (Radio isnaay) Masiibada dhaawacyada kooxda Barcelona ayaa wali sii socota iyada oo dhaawacyadu door weyn ka qaateen dhibaatada kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Memphis Depay ka dhaawacmay muruqa intii lagu jiray guuldaradii 3/0 ahayd ee ay champions league kala kulmeen Bayern munich.

Xiddiga aya haatan seegi doona kulanka Osasuna ee horyaalka La Liga ee Axada iyada oo aan wali la shaacin mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Xiddiga reer Holland ayaa 21 kulan u saftay kooxda Barcelona taramada oo dhan waxana uu dhaliyay 8 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here