Nin si la yaab leh diyaaradaha ku raaci jiray oo la qabtay

0
175

JOWHAR (Radio isnaay)-Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha.

Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa sameystay oo xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka, looguna oggolaado in uu ka gudbo albaabada la isku baaro.

Ninkan ayaa marka uu yimaado garoonka toos u geli jiray diyaaradda uu doonayo in uu ku safro, isagoo aanan wax baaritaan ah marin.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in sababta uu sidaas u sameyn jiray ay tahay in uu garoonka kala dhoofo alaabo laga yaabo in ilaalada garoonka ay qaban lahaayeen ama ay sharci darro tahay in

lala dhoofo, sidaas na uu ku dhaafi jiray goobaha la isku baaro.

Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International.

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata.

Taliye ku xigeenka booliska ee garoonka ayaa warbaahinta CNN u sheegay in shaqaale kamid ah shirkadda Lufthansa uu arkay ninkan, kadibna uu ku wargeliyay laamaha ammaanka ee garoonka, isagoona u sheegay in uu arkay qof uu ka shakiyay, kaas oo iska dhigayay duuliyeyaasha shirkadda Lufthansa.

Mahbubani, oo ka soo jeeda Magalaada New Delhi ayaa booliska waxaa kale oo ay shegeen in uu watay kaar aqoonsi oo been abuur ah, una adeegsan jiray in uu ku galo garoonka, si uu u helo mudnaan gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here