Maalqabeen sheegay in uu hawada sare kusoo ciyaarayo.

0
183

JOWHAR (Radio Isnaay)-Bilyandheerka u dhashay dalka Japan Yusaku Maezawa ayaa kusii jeedda xarunta caalamiga ah ee dayaxgacmeedyada, isaga oo noqonaya qofkii ugu horeeyay oo shaqsi caadi ah oo sanadahan dhow sameeya sidaas.

Dayaxgacmeed Ruushku leeyahay ayaa ka qaaday xarun ku taala dalka Kazakhstan, iyada oo mudane Yusaku uu cirka ku maqnaan doono 12 maalmood.

Waxa safarka ku wehliya cirbixiyeen Ruushka u dhashay Alexander Misurkin iyo Ninka kanaalka Youtube-ka leh ee Yozo Hirano.

Wuxuu shaagay in uu hawada ka qaban doono illaa 100 hawlood oo kala duwan, waxaana ka mid ah in uu kubadda golf ku ciyaaro Meesha.
Ninkan ayaa safarkan ku isticmaalay lacag dhan $88 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here