Georginio Wijnaldum Oo Ku Soo Wajahan Premier League

0
292

Jowhar (Radio Isnaay) Arsenal ayaa laga yaabaa inay Georginio Wijnaldum kala soo wareegto Paris Saint-Germain iyaga oo xiddiga ku doonaya qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kaliya u saxiixay kooxda PSG xagaagii kadib markii uu qaab xor ah uga tagay kooxda Liverpool.

Sida laga soo xigtay Kaveh Solhekol PSG waxay diyaar u tahay inay u ogolaato Wijnaldum inuu kaga tago kooxda heshiis amaah ah marka la gaadho suuqa January inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo uu xiddigu u furanyahay in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga reer Netherland ayaa ku furaxsan in uu ku laabto premier League waxana ay kooxda Arsenal haatanba xidhiidh la samaysay kooxda PSG si ay xiddiga u hesho suuqa Janiary.

Ilaa haatan Wijnaldum aya PSG u ciyaaray 14 kulan isaga oo dhaliyay hal gool sidoo kale champions league u ciyaaray 5 kulan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here