Caro ka dhalatay nin 900 oo qof shaqada ka tiray isaga oo adeegsanaya qadka Zoom-ka.

0
266

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa dhaleeceyn loo jeediyay maamulaha shirkad ku taalla dalka Mareykanka oo shaqada ka ceyriyay ku dhawaad 900 oo kamid ah shaqaalahiisa isaga oo adeegsanaya khadka Zoom-ka.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid argagax leh xilli dadkan ay u baahan yihiin qarash ay noloshooda ku maareeyaan xilligga fasaxa Kirismaaska.

“Markii aan shaqaalaha ka wacay Zoom-ka xilliggii aan u sheegayay in shaqada la ceyriyay, waan ooyay” ayuu yiri Vishal Garg.

Mr Garg wuxuu sheegay in wax-soo-saarka shaqaalaha iyo isbeddellada ka jira suuqyada ay ka dambeeyaan shaqo tiridda baahsan ee lagu sameeyay boqolkiiba 15 shaqaalaha shirkadda Better.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here