JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Waasaare Rooble iyo danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal.
Iyadoo intii kulanku uu socday diiradda lagu saaray sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.