Ralf Rangnick Oo Kashifay Sababta Uu U Badalay Shaxda Man United Kulankii Crystal Palace.

0
238

JOWHAR (Radioisnaay) Tababaraha Cusub ee kooxda Man United Ralf Rangnick ayaa durba bilaabay in uu is badal ku sameeyo shaxda Man United isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ku ciyaaray shax cusub.

Inkasta oo uu kulanka ku bilaabay isla xiddigihii ay Man United ku garaacday Khamiistii hadana waxa uu badalay dhanka shaxda ama qaab ciyaareedka isaga oo ku ciyaaray shaxda 4-2-2-2

“Aniga ahaan, su’aashu waxay ahayd sideen ku cadaadin karnaa kubada, sidee ku heli karnaa xakameynta?” Ayuu yidhi Ralf Rangnick waraysigiisii ​​ciyaarta ka dib ee uu siiyey BBC-da.

Sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan 4-2-2-2 ku ciyaaro laba weeraryahan, ma ahan Cristiano [Ronaldo] kaligiis afka hore, si la mid ah Marcus [Rashford], anigoo u isticmaalaya orodka kubbadaha tooska ah.

“Isla mar ahaantaana, Jadon [Sancho] iyo Bruno [Fernandes] waxa ay ka ciyaarayeen No.10 laakiin xiddigaha kale shaxdu waxa ay ahayd sidii hore”.

“Waxa aan helaynay boosas badanaan oo nagu filan marka ay Bruno iyo Jadon ka ciyaarayeen No.10  maadama xiddigaha Garbaha daafaca ka ciyaara ay horay u baxayeen waliba qaadayeen weerark”.

Tababaraha Man United oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi”Bruno iyo sancho waxa ay u ciyaareen sida xiddigo garabka ka ciyaaraya gaar ahaan maadam Alex Telles iyo Diogo Dalot ku fiicanyihiin daafaca sidaas darteed waa sababta aan ugu ciyaaray 4-2-2-2″.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here