SHAN Koox Oo Doonaya Saxiixa Kabtanka Arsenal Ee Pierre-Emerick Aubameyang

0
188

JOWHAR (Radio Isnaay)- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay 5 koxood xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa fog ee kooxda Arsenal.

32-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu gaaro heerkiisii ​​caadiga ahaa 12-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana uu lumiyay fursado cajiib ah oo uu ku wajahay Newcastle United iyo Manchester United maalmihii ugu dambeeyay.

Aubameyang ayaa weli qandaraas kula jira Gunners ilaa 2023 ka dib markii uu qandaraaska u kordhiyay xagaagii hore, laakiin waxa wali lala xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda xilli uu ku dhibaatoonayo goolka hortiisa.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Real Madrid, Barcelona, ​​Atletico Madrid, Inter Milan iyo AC Milan ayaa dhamaantood diyaar u ah inay ku dagaallamaan saxiixa Aubameyang 2022.

Wararka ayaa sheegaya in wakhtigii Aubameyang ee Arsenal soo dhamaaday waliba la filayo in ay kooxdu iska iibiso suuqa Jnauary hadii ay lacag fiican ku hesho xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here