Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo lagu qabtay Jowhar.

0
203

JOWHAR (Radio isnaay) Munaasabad lagu weyneynayay Maalinta  Caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa lagu qabtay Caasimadda Hirshabeele ee  Jowhar.

Munaasabadaan oo ay soo Agaasimeyn Ururka Naafada Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ku nool Magaalada Jowhar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar.

Waxaa ugu horreyn ka hadlay Munaasabadda Guddoomiyaha Ururka Naafada Degmada Jowhar Mudane Rashiid Cumar Gaaboow iyo Guddoomiyaha Ururka Naafada Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Isxaaq Caqiil Xeydar waxayna siweyn uga hadleen Baahiyaha ay qabaan  Ururka Naafada.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Duubab Balaas ee  Jowhar Axmed Coloow Beereey iyo Duqa Magaalada Jowhar Mudane Saalax Muudeey Cali ayaa ballan qaaday in ay Hiil iyo hooba la garab istaagi doonaann Naafada kunool Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar,ahaan Naafada Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeellaha dhexe Madiino Caddow Colow iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka dhinaca Amniga Maxamuud Cilmi Raage ayaa ugu danbeyn soo xiray Munaasabadda lagu weeyneynayay Maalinta Naafada Adduunka iyagoo Xusay in ay Garab taaganyihiin Naafada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sikastaba ha,ahaatee Munaasabadda Maalinta Naafada Adduunka ayaa waxaa siweyn looga xusay Degmooyin badan oo katirsan Gobolada Dalka Soomaaliya iyo Guud ahaan Dalalka Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here