Cristiano Ronaldo Oo Qarka U Saaran Inuu Seego Kulanka Ugu Horreeya Ee Rangnick Laylinayo Man United & Sababta

0
157

JOWHAR (Radio isnaay) Hoggaamiyaha kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu seego kulanka ugu horreeya ee tababare Ralf Rangnick hoggaaminayo kooxdaasi oo ay berri gegida Old Trafford kusoo dhawaynayaan kooxda Crystal Palace.

36 sano jirkaas ayaa laba gool kasoo dhaliyay Arsenal oo ay 3-2 uga soo adkaadeen Khamiistii toddobaadkii hore kulankii ugu dambeeyay ee uu kooxda layliyo Michael Carrick oo kumeel gaadh mudo ku joogay.

Laakiin wargeyska The Sun ayaa sheegaya inay macquul tahay in Ronaldo jilibka dhaawac ka gaadhay intii uu samaynayay dabaaldega “Siuuu” kaddib goolkii guusha ee uu ka dhaliyay Gunners.

Ronaldo ayaan kaddib dabaaldegaas muujin wax calaamado dhaawac ah oo deg-deg ah isaga oo garoonka oo dhan 12 il-bidhiqsi ku orday daqiiqadii 87-aad ee kulanka balse markii la bedelay ayaa la arkay isaga oo u muuqda qaab dhaawac ka muuqdo.

Haddiiba uu dhaawac si rasmi ah ugu seego kulanka Palace ayay dhibaato weyn ku noqon doontaa tababare Rangnick oo shirkiisii jaraa’id shalay ku sheegay inuu muhiim u yahay kooxdiisa.

Tababaraha ree Germany ayaa ku sugnaa Old Trafford isla markaana daawaday kulankii Khamiistii markaas oo uu Ronaldo goolashii uu soo dhaliyay ku gaadhay 800 oo gool oo waayihiisa ciyaareed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here