Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho, Kadib Safarkii Dooxa

0
196

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka,isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here