Waa ciyaaryahanka kaliya ee heerkiisii gaadhay” – Tuchel Oo Tilmaamay Xiddiga Kaliya Ee Chelsea Isu Muujiyay Guushii Watford Ee Xalay

0
184

JOWHAR (Radio isnaay) Chelsea ayaa xalay guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay kooxda Watford waxaana ay gegida Vicarage Road kasoo qaateen saddex dhibcood oo uu tababare Thomas Tuchel ku sifeeyay kuwo ay soo xadeen oo nasiib ahaa.

Si kasta oo uu uga niyad jabsanaa qaab ciyaareedkaas haddana Tuchel ayaa amaanta ka haysan waayay xiddiga kooxdiisa ee Kai Havertz oo uu ku sifeeyay midka kaliya ee heerkii uu ka doonayay gaadhay ciyaartaas.

Chelsea ayaa kulankaas sidii la filayay noqon weyday, waxa ay sameeyeen afar darbo oo goolka ku aadan halka Watford ay lix darbo goolka la beegsadeen.

Blues ayaa hoggaanka ku qabtay gool uu Mason Mount dhaliyay balse waxa bar-bardhaca u keenay Hornets weeraryahan Emmanuel Dennis kahor inta uusan Hakim Ziyech daqiiqadii 72-aad goolka guusha saxeexin.

“Havertz waxa uu ahaa mid aad u xoogan, waxaan dareemay inuu ahaa halka ciyaaryahan ee heerkiisa gaadhayay maanta. Ciyaaryahanada qaar ayaa naga maqnaa, ciyaaryahanada qaar ayaa daalanaa, waxaanu xadnay saddex dhibcood, maaha inaanu ka warwareegno, markii ugu horreysay waxaanu dareemaynaa inay tahay guul nasiib ah”” ayuu yidhi Thomas.

Kai ayaa si weyn loogu eedeeyay qaab ciyaareedkiisa aan joogtada ahayn ee uu Chelsea kusoo sameeyay bilawgii xilli ciyaareedka. Xiddigii hore ee Bayer Leverkusen ayaa kaliya afar gool kusoo dhaliyay 16 kulan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here