Nin udhashay Dalka Uganda oo loo Taxaabay Xabsi kadib markii uu ayax duban diyaarad ku dhex iibiyay.

0
229

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin lagu eedeeyay inuu ka iibinayay Ayax duban rakaab saarnaa diyaaradda Uganda Airlines ayay boolisku dacwad ku soo oogeen isaga iyo nin kale oo lagu eedeeyay isana inuu duubay dhacdadaas.

Muuqaallo laga duubay ninkaan iibinayay ayaxa ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada tan iyo markii uu falkaasi dhacay dhamaadkii todobaadkan. Waxaana la arkayay dadka oo baco loogu shubayo isla markaana lacago bixinaya.
Mubiru Paul iyo Hajib Kiggundu ayaa la xiray Isniintii waxaana lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ka mid yihiin diidmada inay raacaan shuruucda raacintaannka diyaaradaha iyo dayacnaan keeni kartay faafitaanka cudurka Covid-19.

Eedeymaha la xiriira gudbinta cudurka iyo taxadar la’aanta ayaa horseedi kara toddobo sano oo xabsi ah, sida uu ku warramay Daily Monitor oo ah waragays ka soo baxa dalka Uganda.

Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa cambaareysay wax ay ugu yeertay carqaladeyn dhacday, waxaana warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in shaqaalaha qaar shaqada laga joojiyay.

Diyaaradda Ugandha Airlines ayaa sheegtay inay ka fikiri doonto suurtagalnimada ah inay cuntooyinka fudud ee rakaabka lagu dhex siiyo diyaaradda ku darto Ayaxa kadib markii ay dadku faraxd muujiyeen markii ay arkeen Ayaxa oo xiligaan gabaabsi ka ah dalka Uganda.

Qeybo ka tirsan Kenya iyo Ugandha ayaa suuqyada lagu kala iibsadaa Ayaxa, waxaana lagu sheegay in sababta loo cunayo ay tahay nafaqooyin ku jira awgood.

Magaalada Kampala ee caasimadda u ah dalka Ugandha, suuqayadeeda adeegyada lagu eebiyo waxaa ka mid ah ayax duban, waxayna dadka ka ganacsada sheegaan inuu caafimaad badan ku jiro. Ganacsigaas ayaa ah mid si weyn uga socda waddankaas.

Sidoo kale meelo badan oo ka mid ah galbeedka waddanka Kenya, waxay dadku cunaan ayaxa, iyagoo si toos ah uga heli kara dhammaan suuqyada agagaarkooda ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here