Soomaaliya & Turkiga oo ka wada hadlay Xoojinta Xariirka Labadadal

0
196

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo wax-wada-qabsiga .

Kulankani oo ahaa booqasho xushmadeed oo uu Safiirka Turkiga ugu tagay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa looga wadahadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada , ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska , iyadoo la isla gartay sidii looga wada shaqayn lahaa ka dhabaynta himilooyinka qaran ee labada dowladood iyo labada shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here