Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
231

JOWHAR (Radio isnaay) Kaliya laba dhibcood ayaa u dhexeeya 3-da dhibcood ee ugu sareeya horyaalka premier League kadib markii hogaamiyayaasha horyaalka ee chelsea ay bar-baro la gashay kooxda Man United.

Kooxaha baacsanaya chelsea ee Man City iyo Liverpool ayaa kala garaacay kooxaha West Ham iyo Liverpool kuwaas oo haatan soo yareeyay dhibcaha ay ka dambeeyeen hogaamiyayaasha.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Newcastle United halka ay Aston Villa guushii 2-aad oo xidhiidh ah gaadhay xilli ay Leicester City garaacday Watford.

Brentford ayaa soo afjartay 5-tii kulan ee guul la’aanta ahayd iyaga oo garaacay koxoda Everton xilli ay Norwich City iyo Wolves ku kala bexeen bar-baro guul la’aan ah sidoo kale kooxaha Brigton iyo Leeds United.

Kadib kulamada todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican toodbaadka horyaalka premier League iyada oo BBC soo xulatay xiddigaha ugu fiican todobaadka.

Kooxda Liverpool ayaa Xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 4 xiddig halka ay kooxaha Arsenal iyo Leicester City shaxda ku leeyihiin 2 xiddig.

Kooxaha Man United iyo Aston Villa ayaa dhankooda shaxda ku leh min laba xiddig kadib markii ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen kulamadoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here