Bayern Muncih Oo Ku Duuleysa Barcelona , Da`yar Ayay Ka Dooneysaa

0
217

JOWHAR (Radio isnaay) Da`yarka Barcelona ayaa si fog u soo jiitay indhaha kooxda Bayern Munich waxa ayna diyaar u yihiin in dalab aad u sareeya ka geeyaan saxiixiisa

Barcelona , waxa uu laacibkaan ugu fadhiyaa kaliya 5 milyan oo euro oo ay Las Pamas kaga soo iibsadeen 2020-kii

Hishiiskii Pedri waxa uu dhacayaa xagaaga 2026–ka waxa ayna Munich diyaar la yihiin in ay bixiyaan lacag ka badan 80 milyan oo euro

Munich waxa ay 19 sano jirkaan diyaar ula yihiin in ay siiyaan afar jibaar lacagta haatan uu ka qaato qalcadda Camp Nou , sida wargeyska AS laga soo xiganayo .

Golden Boy-gaan waxa ay Mucnih u arkaan mid muddo dheer ay ka faa`ideysan karaan waxa ayna dareensan yihiin in Barca dhibaato dhaqaale ay mareyso xilligan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here