Real Madrid vs Sevilla – Ancelotti Oo Shaqo Adag Sugayso, Los Blancos Oo Hoggaanka Dheeraysan Karta Iyo Shaxaha Macquulka Ah

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waqti dambe oo caawa waxay garoonkeeda Santiago Bernabeu ku qaabbili doontaa Sevilla oo uu hoggaminayo tababarihii Los Blancos caydhisay ee Julen Lopetegui.

Real Madrid ayaa hoggaanka horyaalka sii dheeraysan doonta haddii ay guul ka keento ciyaartan, waxaanay ku qaban doontaa afar dhibcood oo nadiif ah, halka Sevilla ay iyaduna haysato fursad ay kula wareegto kaalinta koowaad maadaama ay laba dhibcood oo kaliya ka dambayso Madrid.

Carlo Ancelotti ayay kooxdiisu hal dhibic ka horreysaa Real Sociedad oo kaalinta labaad fadhida, isla markaana dheeshay hal kulan oo dheeraad ah, guul ay caawa soo hooyaanna waxay siinaysaa saddexdhibcood oo ay ku baxsadaan.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid waxay ciyaartii ugu dambaysay 4-1 ku xasuuqday Granada oo ay marti u ahayd, waxaanay u ahayd guushii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay horyaalka LaLiga kasoo hooyaan, hase yeeshee waxa kusoo aaddan saddex ciyaarood oo adag oo ay tahay inay ugu diyaar-garoobaan guul ay caawa keenaan. Waxa iskugu xigaya Athletic Bilbao, Real Sociedad iyo Atletico Madrid, halka toddobaadka dambena ay ballansan yihiin Inter Milan oo ay ku dagaallami doonaan midkooda kaalinta koowaad kaga  soo baxaya Group-ka D ee Champions League, iyadoo ay labadooduba hore u xaqiijisteen boosaskooda wareegga 16ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here