Ralf Rangnick Oo Xiddigii Uu Soo Carbistay Ee Erling Haaland U Yeedhay & Man United Oo Noqonaysa Kooxda Ugu Dhow Xiddigan

0
248

JOWHAR (Radio isnaay0 Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshay fursad ay kaga hormarayso kooxaha kale oo ay gacanta ugu dhigi karayso xiddiga reer Netherlands ee Erling Haaland.

Tababaraha cusub ee Red Devils ee Ralf Rangnick oo la filayo in usbuucan la shaaciyo magacaabistiisa ayaa waxa uu durba u gacan haadinayaa laacibkii uu adduunyada baray ee Erling Haaland oo intii uu gacanta ku hayay noqday xiddig caan ah iyo dhaliye mucjiso ah.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha waaweyn ee Yurub sida Real Madrid, Manchester City, Liverpool iyo Chelsea, hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey waxa la sheegayay inuu doonayo kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Manchester City ayaa iyaduna xidhiidh joogto ah la samaynaysa Alfie oo ah aabbaha dhalay Erling Haaland oo xilligii uu ciyaari jiray ka mid ahaa xiddigaha Man City, hase yeeshee dagaalku kuma koobnaanayo labadan kooxood.

Ralf Rangnick ayaa Manchester United siinaya fursadda ugu fiican ee ay ku heli karayso Erling Haaland, sababtoo ah, waxa uu ciyaartoygani u tixgeliyaa sida aabbihii oo kale, waxaanu u qirsan yahay inuu yahay shaqsiga sababta u ah ciyaartoyga uu maanta yahay ee dunidu isku haysato.

21 jirkan oo ka tirsan kooxda reer Norway ee Molde ayaa waxa u tegay Rangnick oo keenay RB Salzburg oo uu ka ahaa agaasimaha ciayaraha, waxaana uu markiiba saldhigay kooxdan oo uu muddo kooban kaddib usii dhaafay Borussia Dortmund.

Laacibakn ayay Manchester United fursad u heshay waqtigii uu ka tegayay RB Salzburg ee Borussia Dortmund ay la saxeexanaysay, hase yeeshee wakiilkiisa oo ay is-fahmi waayeen ayaa sabab u noqday inay ka hadhaan damaciisa.

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda ayaa la rumaysan yahay inuu hirgeli doono qodob ku jiray heshiiskii Erling Haaland iyo Borussia Dortmund, kaas oo dhigaya in qandaraaskiisa lagu burburin karo £64 milyan oo Gini, taas oo ay la diyaar yihiin kooxaha waaweyn ee ku dagaallamaya laacibkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here