Guuleystaha Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Ee IFFHS Oo La Shaaciyay – Messi, Lewandowski Mise Jorginho?

0
199

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay guuleystaha abaalmarinta IFFHS (International Federal Of Football History And Statistics) iyadoo guud ahaan lasoo bandhigay tobbanka xiddig ee codka ugu sarreeya ugu soo baxay loolankaas.

Guuleystaha ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah noqday weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo codad tiro badan ku garaacay Lionel Messi oo booska labaad soo galay iyo Jorginho oo booska saddexaad ku dhammaystay.

Sida lagu sheegay shaacinta natiijada, Lewandowski ayaa abaalmarinta ku guuleystay kaddib markii uu helay 150 dhibcood wuxuuna 45 dhibcood ka sareeyaa Messi oo booska labaad 105 dhibcood kusoo galay halka Jorginho kaliya 40 dhibcood helay.

Si lamid ah IFFHS, Lewandowski ayaa toddobaadkan gudihiisa sanadkii labaad ee xidhiidh ah ku guuleystay abaalmarinta “Golden Player” waxaana uu sugayaa Isniinta 29-ka bishan November oo uu isha ku hayo Ballon d’Or walow sanadkii hore sababta Korona Fayras oo loo qaban waayay darteed uu ku seegay.

Lewandowski ayaa qaab cajiib ah kusoo qaatay xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 isaga oo 48 gool ugu soo dhaliyay Bayern Munich 40 kulan tartamada oo dhan isla markaana goolashiisu kasoo caawiyeen Bundesliga markoodii 31-aad, Koobka kooxaha aduunka, UEFA Super Cup  iyo DFL Super Cup.

Xilli ciyaareedkan ayuu Lewy oo u muuqda mid aan wax hoos u dhac ah galayn kor u kac mooyaane uu durba 25 gool ugu soo saxeexay Bayern kaddib 19 kulan oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here