Tahriibayaal Ku Geeriyooday Marin Biyoodka U Dhexeeya Laba Dal

0
358

JOWHAR (Radio isnaay) Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay in falkaani uu yahay khasaarahii ugu weynaa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya.Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo.

Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dhaan gelinkii dambe ee shalay kadib markii dadkii doontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahriibayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeebaha badda Faransiiska.

Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here