Xiddigga caanka ah ee Bollywoodka Hindiya, Sunny Doel oo Sanadka Cusub soo Saraayo Filimkiisa Apne 2.

0
193

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Atoorahan oo xubin ka ah baarlamaanka Hindiya ayaa shaqada jilliinka ka fadhiyay tan iyo sanadkii 2019-kii, waxaana isla sanadkaas uu wajahay maxkamadeyn ay ku wehlineysay atariishada lagu magacaabo Karisma Kapoor.

Bishii September ee sanadkii 2019-kii, Karisma Kapoor iyo Sunny Doel ayaa lagu soo oogay kiis maxkamadeed oo ku saabsan fal dambiyeed lagu eedeeyay inay galeen xilli ay sameynayeen mid ka mid ah filimadooda laga daba dhacay.

Maxkamad qaadda kiisaska la xiriira gaadiidka tareennada ayaa diyaarisay dacwad ka dhan ah Atooraha siyaasiga isku baddalay, Sunny Deol iyo atariishada, sida ay shaaciyeen Wargeyska Hindustan Times, telefishinka NDTV, iyo warbaahinta kale ee dalka Hindiya.

Bishii October ayay maxkamadda kiiska gacanta ku heysay laashay, waxaana sidaas lagu bari yeelay labada xiddig.

Labada jilaa ee sida weyn looga yaqaanno Hindiya iyo guud ahaan dunidaba ayaa loo maxkamadeynayay eedeyn ku saabsan in iyagoo filim jilaya ay bixiyeen mid ka mid ah biraha silsiladda ah ee uu tareenka ku socdo, muddo ka badan 20 sano ka hor.

Falka lagu eedeeyay inay sameeyeen ayaa halis galin karay habsami u socodka tareenka, oo ay dad badan ku safraan, hase yeeshee wuxuu sababay in mid ka mid ah tareennada la hakiyo muddo 25 daqiiqo ah.

Dacwad oogeyaaha ayaa sheegay in Atooraha iyo Atariishadu ay si sharci darro ah u sameeyeen ficilkaas, mar laga duubayay filim ay sameeyeen sanadkii 1997-kii.

Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa isku dayay inay sameeyaan loollan kiiskaas lagu hakina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here