Nin Udhashay Dalka Japan oo ku Biiray Cayaarta Haraantida iyo Lagdinta isagoo 69 jir ah.

0
214

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ardayda kale waxa uu ka weynaa tobannaan sano, mararka ay tartanka isaga hor imaadaanna waxa uu billaabi jiray inuu ka fikirio sidii uu isaga dhaafi lahaa barashada xirfaddan.

Wuxuu yiri: “Waxaa igu hareereysnaa carruur iga dhaadheer, 50 waalidiin ahna waxay naga daawanayeen darjiinka kore. Qalbiga waxaan ka rabay inaan cararo.”

Balse Mike waxa uu khasbay naftiisa, wuu dadaalay, wuxuuna ugu dambeyn ka baxay dhiiqadii uu lugaha kula jiray. Waxa uu noqday qofkii ugu da’da weynaa Scotland ee ku guuleysta billadda suunka madow ee ay bixiso shirkad laga leeyahay Japan.

Mike waxa uu horay u ahaan jiray macallin dadka bara jir dhiska.

“Ma jirin qof iga da’ wqeynaa oo ku jiray goobta. Waan ceebeysnaa, dadkuna way isoo eegayeen balse ma aysan garaneynin sababta aan halkaas u joogay.”

Laakiin, kaddib shan sano oo uu waday dadaal iyo saacado badan oo tababar ah, isagoo 74 sano jira ayuu Mike gaaray ujeeddadiisa, wuxuuna hantay shahaadadiisa ugu horreysa ee ‘Dan’.

Dan waa darajada xirfaddan ee laga isticmaalo Japan, Kuuriya ama meelaha kale ee lagu barto lagdinta karate-ga, waxaana lagu qiimeeyaa awoodda qofka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here