Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay Agaasime Goboleedka Dalalka Carabta

0
179

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga wada hadlay dadaalada dowladda Federaalka ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana uga mahadceliyay booqshada uu ku yimid dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here