Real Oo Go`aansatay In Ay Afar Ciyaartooy Iska Fasaxaan Suuqa Jilaalka January.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa si dhab ah u qorsheyneysa in afar ciyaartooy kooxda ka fasaxaan marka suuqa kala iibsiga uu furmo bisha January .

Los Blancos ayaa dagaal u galeysa soo xero gilinta Haaland iyo Mbappe xilli daafaca Chelsea ee Rudiger isha ku hayaan, sidaa darteed waxa ay baadi gobayaan qarash ka caawiya baacsiga xiddigahaas kale .

Real ayaa la xaqiijinayaa in damaceeda suuqa uu yahay xagaaga xilli kaliya haatan ay ka sii shaqeynayaan in liiskooda ciyaartooyda kooxda ka sii taqalusaan .

Sida wargeyska Marca uu qorayo , Bale , Marcelo , Hazard iyo Isco ay yiihiin xiddigaha ay Real go`aansatay in ay fasaxan suuqa jiilaalka.

Sidoo kale Mariano Diaz iyo Jovic ayaa iyana la xusayaa in ay bixi doonaan inkastoo warar hose tilmaamayaan in Ancelotti doonayo in labadaas uu sii haysto illa xoogaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here