Robert Lewandowski Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League & Kooxda Ugu Cadcad Saxeexiisa

0
172

JOWHAR (Radio isnaay) Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu doonayo inuu ka dego marka uu dhamaado xilli c iyaareedkan socda.

Sida uu sheegay Matty Cash oo ay xulka qaranka Poland ka wada tirsan yihiin Robert Lewandowski, ayna iska garab ciyaarayeen kulamadii caalamiga  ahaa ee usbuucan, ayaa waxa uu sheegay in dhaliyahani uu dareensan yahay in la gaadhay xilligii uu ka ciyaari lahaa horyaalka Premier League.

Robert Lewandowski  oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa bandhig ciyaareed cajiib ah ku celinaya mar kale xilli ciyaareedkan 2021/22, isaga oo 17 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay u dhaliyey Bayern Munich 23 gool.

Hore ayaa loola xidhiidhiyey kooxo horyaalka Premier League ka dhisan, laakiin isaga ayaa ku adkaysanayay inuu sii joogayo Allianz Arena.

Sida uu Matty Cash sheegay, Robert Lewandowski ayaa hadda dhinaciisa ka doonaya inuu dibedda uga baxo horyaalka uu muddada badan kasoo dheelayay ee Bundesliga, kaas oo ka hor intii aanu Bayern Munich ku biirin uu kaga soo horreeyey Borussia Dortmund oo uu dhawr sannadood kusoo qaatay.

Wargeyska The Athletic ayaa qoray in Lewandowski uu u sheegay difaaca Aston Villa ee Cash in hadda ay tahay xilligii uu iman lahaa Premier  League, waxaana ugu cadcad oo dhamaantood lala xidhiidhinayaa kooxaha Manchester United, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here