Qeylo Dhaan Xooggan Oo Laga Muujiyay Abaaraha Ku Dhuftay Gobol Ka Tirsan Kenya

0
120

jowhar (Radio isnaay) Biyo la’aan  baahsan oo ay dhaliyeen abaaro dabadheeraadaya oo ka jira Gobolka Wajeer ee Woqooyiga dalka Kenya ayaa sababay waxyeello ba’an oo soo gaartay  nolosha dadka iyo xoolaha la dhaqdo ee ku sugan halkaasi.

Kuleylka cadceedda oo aad u daran iyo biyo la’aan isbiirsaday ayaa warku intaa ku daray inay dhaliyeen dhimashada xoolo aad u badan iyo barakaca dad reer guuraa ah oo u hayaamay deegaanada leh biyaha sida  magaalooyinka

“72 sano oo nolosha ah, weligey ma arag wax sidaan oo kale ah,” ayuu yiri Ibraahim Cadow, oo ka mid ah dadka deegaanka Biyamadow, oo ku taalla gobolka Wajeer ee woqooyiga Kenya.

Odaygaasi  ayaa sheegay in kala bar ay ka dhinteen xoolihiisii oo u badnaa lo’da,wuxuunata intaa raaciyay in inta soo hartay ay yihiin kuwo macluul ah oo aan laheyn cad iyo caano.

Afartii bilood ee la soo dhaafay qiimaha la kala siisto xoolaha,gaar ahaan lo’da ayaa hoos ugu dhacay 357 Doolar, waxaana maanta abaaraha dartood ay marayaan 45 doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here