Taliyihii Xabsiyadda Kenya oo shaqada laga eryay

0
130

JOWHAR (Radio isnaay)-Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here