Haweeney si mucjiso ah uga bogsatay cudurka HIV

0
162

JOWHAR (Radio isnaay)-Haweeney u dhalatay dalka Argentina ayaa u muuqata in jirkeeda uu si iskiis ah uga guuleystay fayraska HIV iyadoo aan loo adeegsanin wax daawo ah – waana markii labaad ee la diiwaan geliyo kiis ku saabsan qof qaabkan ku bogsaday guud ahaan caalamka.

Dhakhaatiirta ayaa aaminsan in bukaankan uu jirkeeda iska xoreeyay fayraska kaddib markii ay unugyada difaaca la dagaallameen.

Tijaabooyin lagu sameeyay in ka badan hal bilyan oo ka mid ah unugyadeeda ayaa muujiyay inuusan jirin wax raad ah oo sheegaya caabuqa, sida uu qoray wargeyska diiwaangeliya Caafimaadka ee “Archives of Internal Medicine”

Haddii la fahmo qaabka ay unugyadeeda u shaqeeyeen, waxaa suuragal ah in la helo hab lagu saaro ama daawo wax tar leh loogu helo xanuunka HIV-ga, sida ay khubaradu sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here