Banaanbax Roobdoon ah oo goordhow ka dhacaya Beledweyne

0
140

JOWHAR (Radio isnaay) Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socota qabanqaabada Banaanbax Roob-doon ah, kaas oo ay dhigayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Cullimada Magalada Beledweyne ayaa dibadbaxa iclaamiyay, iyada oo dadku ay isugu tegi doonaan fagaarayaasha iyo Barxada Iskuulka Mujamac ee Magaalada Beledweyne, iyaga oo sameyn doona  Alla bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Culimo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb geli doona banaanbaxa roobdoonka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here