Harry Kane Oo Jabiyey Rikoodh 94 Sannadood Aanay Cidina Gaadhin

0
157

Weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa jabiyey rikoodh dhinaca gool-dhalinta ah oo yaallay muddo 94 sannadood ah, kaddib markii uu afar gool saxeexay kulankii xalay uu dalkiisu 10-0 ku karbaasheen San Marino.

Harry Kane ayaa dhaliyey 16 gool intii lagu jiray sannadkan socda ee 2021, waana ciyaartoygii ugu horreeyey ee sidaas sameeya tan iyo 1927kii. Ma jirin ciyaartoy Ingiriis ah oo dhaliya wax ka badan 16 gool hal sano gudihii, laakiin laacibkan ayaa fursad u haysta inuu xataa sii dhaafo rikoodhkaas.

Advertisements

Weeraryahanka Tottenham ayaa soo qabtay goolashii George Hilsdon ee 1908 iyo Dixie Dean ee 1927kii.

Saddexlay uu ka dhaliyey Albania horraantii toddobadkan iyo afar uu ku daray ciyaartii San Marino ayaa uu hore ugu soo booday toddoba gool oo laba ciyaarood gudahood ah, waxaanay taasi keentay inuu sannadkan lagu jiro diiwaanka  gashado 16 gool, isaga oo dhinaca kalane anoqday ciyaartoiygii ugu horreeyey ee afar gool u dhaliya Enland hal ciyaar gudaheed tan iyo sannadkii 1993kii oo uu Ian Wright afar gool ka dhaliyey San Marino oo ay waqtigaasna ku dubteen 7-1.

Kane ayaa hadda ku siqaya inuu dhaafo rikoodhkii gool-dhalinta Wayne Rooney oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan xulka England abid, kaas oo dhaliyey 53 gool.

28 jirkan ayaa Ingiriiska u dhaliyey 48 gool oo 16 ka mid ah uu dhaliyey sannadkan 2021, waxaana uu hadda u baahan yahay shan gool oo kaliya si uu u jabiyo rikoodhka Wayne Rooney. Waxa uu xalay barbarreeyey rikoodhkii goolasha halyeyga England ee Gary Lineker oo 48 gool dhaliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here