Alisson Becker oo fariin digniin ah u diray kooxaha xilfaltanka uu ka dhexeeyo Liverpool

0
246

jowhar (Radio isnaay)-Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Alisson Becker, ayaa fariin digniin ah u diray kooxaha la xilfaltama Reds, isaga oo muujiyay, in kooxdiisu ay doonayso inay ku guulaysato afarta koob xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa hadda ku jirta kaalinta afraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 22 dhibcood, waxayna afar dhibcood u jirtaa kooxda hoggaanka haysa ee Chelsea, kaddib 11 kulan la soo ciyaaray.

Haddaba wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay goolhaayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker, wuxuuna yiri:

“Haddii aan runta ka hadlo, waa wax intaas ka badan, waxaan rabnaa wax badan.”

“Liverpool waxa ay doonaysaa in ay ku guulaysato dhamaan koobabka xilli ciyaareedkan.”

“Dabcan waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano dhamaan tartamada aan ciyaareyno, waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Champions League, Premier League, FA Cup iyo Carabao Cup, dhamaan tartamada aan qeybta ka nahay.”

“Waa in aan diirada saarno shaqadeena, si aan u qabano waxa ay tahay in aan qabano 100%.”

Si kastaba ha noqotee, Liverpool ayaa gaartay afar dhammaadka tartanka Carabao Cup, waxayna sidoo kale u soo baxday wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here