Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Somaliland

0
158

JOWHAR (Radio isnaay) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo fiidnimadii xalay ka dhacay degaanka Beer oo dhanka Bari ka xiga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in shilkaas dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid noociisu ahaa Bas iyo gaari kale oo ku socday xawaare sare, xili ay iskaga hor yimideen wadada laamiga ah.

Inta la xaqiijiyay shilkii ka dhacay degaanka Beer ee duleedka Magaalada Burco ayaa waxaa ku naf-waayay laba ruux oo shacab ahaa, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 11 ruux kale oo afar kamid ah xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato.

Dhaawacyada ayaa waxaa si deg deg ah loogula cararay Isbitaalka weyn ee Burco, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana dadkaas waxyeelada soo gaartay gurmad u sameeyay dad goobta ka Agdhawaa, sidoo kalena qaaday Meydadka laba ruux.

Si kastaba marar kala duwan ayaa waxaa sidoo kale oo shilal geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac uga dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland, waxaana inta badan loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here