Nin Udhashay Dalka Australia oo ku Aqalgalay Xabsi ku Yaala Wadankaasi.

0
123

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Julian Assange,Aasaasaha Wikileaks oo hadda ku jira xabsi ku yaalla Australia ayaa BBC u sheegay in loo oggolaaday inuu xabsiga Belmarsh uu kula aqal galo marwadiisa Stella Moris.

Isaga iyo Morris waxay aqal galkooda ka hor iisu dhaleen laba carruur ah, iyada oo Morris uurka ilmahaasi ay dhashay xilligii uu Assange ku noolaa gudaha safaaradda Ecuador ee Magaalada London.

Maamulka xabsiga ayaa sheegay in codsiga Mr Assange uu “uu maamulaha xabsi si gaar ah u tixgeliyey”.

Morris waxay wakaaladda PA u sheegtay “iney ku faraxsan tahay oggolaashaha ay maamulka xabsiga ay ka heleen.”

Waxayna intaa raacisay: “waxaan rajeynayaa iney hadda kaddib jiri doonin faragelin kale oo loo geysto guurkayaga.”

Sida uu dhigayo sharciga guurka ee soo baxay 1983-kii maxabiista waxay xaq u leeyihiin iney xabsiga dhexdiisa ku guursadaan marka codsigooda la aqbalo, kharashka arooska ku baxayana iyaga ayaa bixinaya iyada oo ay jirin cid kale oo kharashka ka caawineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here