Sacuudiga oo oggolaanaya in ajaaniibta ay noqdaan muwaadiniin

0
182

JOWHAR (Radio isnaay)- Dowladda Sacuudiga ayaa dhalasho siisay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda.

Tallaabada waxaa loo arkaa in ay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku wajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas.

Sacuudi Carabiya – si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho.

Barnaamijkan waxaa loo oggol yahay dadka leh “xirfadaha aadka u wanaagsan” ee loo baahan yahay, waxaana sidoo kale la xiriira dalalka ay dadka ka soo kala jeedaan, sida ay warbaahinta dowladda qortay

Dalkan ayaa noqonaya midka labaad ee gacanka Carabta ee qaada tallaabo lagu soo dhoweysanayo dadka khibradaha kala duwan leh. Waxaa arrinta horey u sameeyay dalka Imaaraatka carabta, oo ajaaniib badan dhalasho siiyay bishii January ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here