Kooxaha premier League Oo Go’aan Ka Gaadhay In Koobka Adduunka La Qabto Hal Mar Laba Sano Oo Kasta.

0
257

JOWHAR (Radio isnaay) Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa wakhti hore soo jeedisay in koobka adduunka la qabto hal mar labadii sano ee kasta halka haatan hal mar la qabto 4-tii sanaba.

Si kastaba ha ahaatee, fikraddaasi waxay la kulantay falcelin xun oo badan, Premier League ayaa soo saaray bayaan ay kaga soo horjeedaan tallaabadan.

Dhammaan 20-ka kooxood ayaa si wada jir ah isugu raacay in ay ka soo horjeestaan ​​fikradan, oo sidoo kale ay ku jirto qorshayaasha fasaxyada caalamiga ah ee la dheereeyay.

Richard Masters, madaxa fulinta ee Premier League, ayaa yiri: “Premier League waxaa ka go’an in uu ka hortago isbedel kasta oo ku yimaada jadwalka ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA 2024 ka dib kaas oo si xun u saameeya daryeelka ciyaartoyda oo khatar gelinaya tartanka, jadwalka, qaab-dhismeedka iyo caadooyinka kubada cagta gudaha”.

“Waxaan u furannahay dib-u-habeyn iyo fikrado cusub, laakiin waa inay kor u qaadaan dheellitirka iyo dhammaystirka ciyaaraha caalamiga ah iyo horyaalada kala duwan ee adduunka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here