Cafu Oo Magacaabay Saddexda Daafac Midig Ee Ugu Fiican Kubada Cagta Haatan.

0
146

JOWHAR (Radio isnaay) Trent Alexander-Arnold waa mid ka mid ah seddexda daafac midig ee ugu fiican adduunka, sida uu qabo halyeeyga Brazil Cafu.

51 jirka ayaa Brazil kala qayb galay 4 koob adduun intii u dhexaysay 1994 ilaa 2002 isaga ayaana ugu fiican in uu qiimeeyo xiddigaha ugu fiican booska daafaca Midig.

Mar wax laga weydiiyay daafacyada midig ee uu ugu jecelyahay Marca ayuu u sheegay “Runtii waxaan jeclahay Achraf (Hakimi), oo ka tirsan PSG, iyo (Dani) Carvajal, Dani wuxuu iigu muuqdaa mid aad iigu fiican”.

“Oh, mana ilaawi doono Alexander-Arnold oo ka tirsan Liverpool, kaasoo sidoo kale aad u wanaagsan”ayuu sii raaciyay.

Alexander-Arnold ayaa lagu qiimeeyaa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee ugu fiican horyaalka Premier League sanadihii ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here