Qoys ku nool Dalka Peru oo soo iibsaday Eey Balse markii dambe dawoco isu badeley.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qoys u dhashay dalka Peru ee Latin Amerika ayaa la sheegay in ay dukaan xayawaanka rabbaayadda lagu iibiyo oo ku yaala caasimadda dalkaasi ee Lima ay kasoo iibsadeen noole ay markii hore u haysteen in uu yahay Eey, balse waa ay qaldanaayeen.

Balse markii ay guriga keeneen ayaa maalmo kadib waxa ay heleen cabashooyin kala duwan oo dariska uga yimid, iyada oo noolahani uu bilaabay in uu weeraro xayawaanka kale ee dadka ay dhaqanayeen.

Sheeygan ay Eeyga maleeyeen ayay kusoo iibsadeen lacag dhan $13 doolar , balse markii dambe waxa ay ogaadeen in waxa ay soo iibsadeen ay ahaayeen dawaco oo uusan eeyba ahayn.

Waaxda duurjoogta ee dalkaasi ayaa markii dambe qabatid xayawaankii iska dhigayay ayga, kadib markii ay cabashadii aad u badatay.

Dawacada ayaa markii xaafadda la geeyay biloowday in ay eryato, oo ay ugaadhsato digaagaha iyo booloboolooyinka la dhaqdo, taas oo caro weyn ka dhalisay dariskii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here