Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Saul Niguez.

0
163

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda chelsea ayaa rajaynaysa in ay iska celiso xiddiga Khadka dhexe ee Saul Niguez kuna celiso Atletico Madrid marka la gaadho suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiag 26 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeedho chelsea tan ilaa markii uu yimid kooxda isaga oo kaliya u ciyaaray 45 daqiiqo oo premier League ah kulankii Aston Villa.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay chelsea doonayso in ay xiddiga reer Spain ku celiso kooxdiisa Atletico Madrid maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababaraha ee xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Atletico Madrid ayaan ku qasbanaan karin in ay ogolaato celinta chelsea ee Saul inta lagu jiro xilli ciyaareedkan maadama uu heshiisku ahaa in uu dhamaysto xilli ciyaareedka.

Saul ayaa kooxda chelsea u ciyaaray 5 kulan tartamada oo dhan waxana uu Atletico Madrid kula jiraa heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here