Xavi Oo Barcelona U Sheegay Saxiixa Ugu Horeeya Ee Uu Doonayo In Loo Keeno, Waa Xiddig Serie A-da Ka Ciyaara

0
161

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Marcelo Brozovic.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa haatan ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo qandaraaskiisa San Siro uu dhacayo bisha June ee soo socota.

Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo dhaliyay hal gool islamarkaana caawiyay labo gool 15 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay La Repubblica, waxaa sidoo kale jira xiiso dhab ah oo ay Barcelona u qabto saxiixa xiddiga kaas oo lagu heli karo qiimo jaban kuna fiican xaalada dhaqaale xumo ee kooxda Barcelona.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Inter Milan diiday in ay bixiso dalabaadka xiddiga ee heshiiska cusub iyada oo filaysa in ay qaab xor ah ku waydo xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here