Waxa Uu Cristiano Ronaldo Haatan Doonayaa In Uu U Ciyaaro Man City

0
254

JOWHAR (Radio isnaay) Weeraryahankii hore ee Aston Villa Gabby Agbonlahor ayaa aaminsan in xiddiga Manchester United Cristiano Ronaldo uu si cajiib ah uga niyad jabsanyahay guuldaradii 2/0 ahayd ee kooxdiisa ka soo gaadhay Man City sabtidii.

Man City ayaa u awood sheegtay Man United kulan ka dhacay Old Trafford iyada oo kooxda Red Devils kaliya hal laad la heshay goolka kooxda Man City intii ay socotay ciyaartu.

Gabby Agbonlahor ayaa ku tilmaamay qaab ciyaareedkii Manchester United ee kulankii City mid wax laga xishoodo ah wuxuuna aaminsan yahay in Cristiano Ronaldo uu doorbidi lahaa inuu u ciyaaro kooxda Pep Guardiola.

“Waxay ila tahay in Ronaldo uu samaynayo wixii loo keenay si uu u sameeyo, waana in uu goolal dhaliyo, waad ark kartaa niyad jabkiisa kadib ciyaarta, waxa uu samaynayaa khaladaad mana ahan caadada Ronaldo”.

“Waxa uu doonayaa in uu ka mid noqdo kooxda City si uu De Bruyne ugu keeno karoosyo uu goolal ka dhalin karo halka uu Wan-Bissaka dhaafin kari laayahay xiddiga ugu horeeya, waxa uu ka niyad jabsanyahay kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here