Arsenal Vs Watford: Gunners Oo Ka Gacan Saraysa Watford Kulamada Tooska Ah.

0
168

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Watford kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka Emirates Stadium kulan ka tirsan todobaadkii 11-aad ee premier League.

Arsenal oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta kulamadii ugu dambeeyay ayaa isha ku haysa in ay gaadho guul muhiim ah iyo in ay kor u fuusho kala saraynta horyaalka premier Leageu.

Dhanka kale kooxda Watford oo uu tababare cusub hoaaminayay kulamadii ugu dambeeyay ayaa doonaysa in ay Arsenal ku garaacdo Emirates Stadium kana gaadho guul.

Claudio Ranieri ayaan waligii ka badin Arsenal Premier League 11 kulan oo uu ka hor yimid (4 bar-baro iyo 7 guuldarro), waxaana laga badiyay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ee uu ku wajahay Gunners. Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee Ranieri uu wajahay ugu yaraan shan jeer xirfadiisa Taabaranimo laakiin uuna ka badin.

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay lix gool shantii kulan ee uu ka horyimid Watford, isagoo labo gool ka dhaliyay labadii kulan ee uu ka horyimid Hornets xilli ciyaareedkii 2019/2020.

Ka dib markii ay 5-2 ku garaacday Everton, Watford ayaa raadineysa guushii 2-aad oo xidhiidh ah premier League iyaga oo marti ah markii ugu horaysay tan ilaa September 2017, 5-tii guul ee ugu dambaysay ee ay Watford ka gaadhay premier League iyaga oo marti ah waxa ay yimaadeen 5 tababare oo kala duwan kuwaas oo kala ah Javier Gracia, Quique Flores, Nigel Pearson, Xisco iyo Ranieri.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Emile Smith Rowe ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku lug leh Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here