Barcelona Oo Ku Dhawaaqday In Uu Xavi Noqday Tababarohooda Cusub, Goorma Ayuu Kulankiisa Ugu Horeeya Hogaamin Doonaa Kooxda?

0
138

JOWHAR(Radio isnaay) Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u shaacisay in uu Halyeeygeeda Xavi noqday tababaraha cusub ee kooxda kana badalay booska tababare Ronald Koeman oo la caydhiyay sabab la xidhiidha natiijo xumada kooxda.

Barcelona ayaa bayaan ku shaacisay in ay xiddigeedii hore ee Xavi ka saxiixatay heshiis 2 sano iyo badh ah oo uu kooxda tababare ugu ahaan doono ilaa xagaaga 2024.

Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in Xavi uu maalinta Axada qaban doono shirkiisii ugu horeeyay ee isaga oo tababare u ah kooxda Barcelona.

Sidoo kale Xavi ayaa si Rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa garoonka Camp Nou maalinta Isniinta kuna beegan 8 bishan haatan lagu jiro.

Xavi ayaa kulankiisa ugu horeeya hogaamin doona kooxda Barcelona kulanka Derby-ga ee ay 20 bishan la ciyaari doonaan kooxda Espanyol kadib fasaxa xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here